Maxkamaddii Al-shabaab ee deegaanka Basra oo la burburiyey

Ciidanka DFS ayaa sameeyey howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Warar Keydmedia Online
Maxkamaddii Al-shabaab ee deegaanka Basra oo la burburiyey

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Basra oo ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Howlgalkan ayaa ahaa mid lagu baacsanayey xubno ka mid ah Al-shabaab, waxayna ciidanka duulaan ku qaadeen deegankan oo Al-shabaab muhiim u ahaa.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta dowladda, in ay burburiyeen maxkamaddii Al-shabaab ee deegaankaasi, sidoo kalena ay dileen sarkaalkii Al-shabaab u qaabilsanaa Basra.

"Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgal ka fuliyey Basra oo cadowga uu ku sugnaa, waxaa la bur-buriyey maxkamaddii halkaas ku taallay, sidoo kalena ciidanku waxay dileen horjoogahoodii Basra" ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab dhankooda weli kama aanay hadal howlgalkan ay ciidanka DFS ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka DFS ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ururka Al-shabaab, iyaga oo weeraro ay marar badan ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobollada dalka ku dileen saraakiil Al-shabaab ah.


KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.