Maxuu Wasiir Maxamed kala hadlay dhiggiisa Qatar?

Kulan dhinaca khadka taleefoonka ay ku yeesheen wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq iyo Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani oo ah ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar.

Warar Keydmedia Online
Maxuu Wasiir Maxamed kala hadlay dhiggiisa Qatar?

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ee Xukuumadda Soomaaliya, Cabdirisaq Maxamed, ayaa khadka teleefoonka kula hadlay Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani, kaas oo ay kaga wada hadleen arrimo muhiim ah.

Waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga labada dal ee u dhexeeya , sidoo kale waxay fallanqeeyeen xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo guud ahaan caalamka.

In ay soo hordhigto feylka Soomaaliya shirka soo aaddan ee wasiirrada Golaha Jaamacadda Carabta si looga hadlo horumarka siyaasadeed iyo Amni ayuu wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya u soo jeediyay dhigiisa madaama Qatar ay xilligan shir-guddoon ka tahay kaltanka caadiga ah 155aad ee Golaha Jaamacadda Carabta.

Farmaajo iyo Fahad oo danahooda siyaasadeed ka dhex arkay Qatar ayaan la heyn jiho ku hagta nidaaam iyo kala dambeyn, dadka qaar ayaa qaba in arrintan ay salka ku heyso in madaxda waqtigoodu idlaaday kaga doonayaan Qatar taageero maaliyadeed oo ay ku soo galaan doorashada madaxtinimo ee fooda inagu soo heyso.

Afartii sano ee la soo dhaafay, Qatar waxa ay si weyn ugu lug lahayd siyaasadda dalka, waxaana la rumeysan yahay in ay Dowladda Carbeed udub dhexaad u ahayd xasillooni-darradii dalka ka jirtay shanti go’ ee na weydaartay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 January 2022 20:05

Wuxuu kordhiyay ilaaladiisa, wuxuu wax ka beddel ku sameeyay ilaalada xaafiiskiisa, wuxuu khatarta jirta ku wargaliyay saaxiibada ku dhow, wuxuuna amar feejignaan siiyay saraakiisa sida gaarka ah u qaabilsan amnigiisa.