Maydka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo Muqdisho laga soo dejiyay

Ra'iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa 12-kii Bishan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga, waxaana maanta lagu aasi doono magaalada garoowe.

Warar Keydmedia Online
Maydka Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo Muqdisho laga soo dejiyay

Muqdisho, Soomaaliya – Diyaaraddii sidday maydka Ra’iisul wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd Allaha ha u naxariistee Xasan Abshir Faarax ayaa saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana salaadda Janaasada ku tukaday qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ku jira Farmaajo.

Waxaana la filayaa in maydka lagu aaso magaaladda Garoowe, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin Ra'iisul Wasaare Kheyre oo saakay tagey iyo madaxda Maamul Goboleedyada dalka, oo kala ah Jubaland, HirShabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Puntland.

Dhinaca kale, Wariyeyaasha Muqdisho oo saaka ka qeyb geli lahaa tebinta wararka la xiriiro maydka R/wasaare Xasan Abshir Faarax ayaa loo diiday in ay galaan gudaha garoonka Aadan Cadde, ilaa hadana lama oga sababt loogu diiday, balse dowladda haatan jirta ayaa ah mid ku tumaneysa xorriyadda Saxaadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.