Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Meydadka 3 ruux oo lagu sheegay in ay yihiin dumar ayaa lasoo dhigay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, lamana oga ilaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilka saddexdaas qof.
MUQDISHO, Soomaaliya - Meydadka saddex ruux oo lagu sheegay in ay yihiin dumar ayaa lasoo dhigay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, saddexda ruux ayaa saakay lagu arkay mid kamida waaxaha degmada Dayniile ay ka kooban tahay taa oo lagu magacaabo Kur-damac.
Goobjoogayaal ku sugnaa halka lagu arkay haweenka loo adeegsaday dilkooda rasaasta ayaa meydkooda laga qaaday goobta, waxaana yimid goobta lasoo dhigay meydadka ciidamo Boolis ah, mana jiraan war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile oo ku aaddan dilka dumarkaasi.
Dilalka nuucan oo kale ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho, iyadoo habeen hore afar ruux oo sidan oo kale loo dilay lasoo dhigay deegaanka Ceelasha Biyaha, mana jiraan sidoo kale cid ka hadashay ama sheegatay mas'uuliyadda dilkaas.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments