Meydadka Al-Shabaab oo saaka daadsan degaanka Baxdo

Khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo warinayaa kadib markii Al-Shabaab ay saaka weerar qaraxyo ku bilowdey ku qaadey degaanka Baxdo oo 90 KM u jira degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

News Keydmedia Online
Meydadka Al-Shabaab oo saaka daadsan degaanka Baxdo

Dhuusamareeb, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab, saaka xilli hore dullaan xooggan ku qaadeen degaanka Baxdo, halkaasoo ay iska cabin xooggan kala kulmeen dadka degaanka.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen Wariyayaal ku sugan Galmudug, dagaalka ayaa ku billowday qaraxyo iyo madaafiic waabarigii hore ee saaka, waxaana hadda la soo sheegayaa in dib loo riixay kooxdii weerarka soo qaaddayee Al-Shabaab.

Is gaarsiinta degaanka ayaa hadda dib u soo laabatay, waxaana la sheegayaa in meydka Kooxda Xiriirka la leh Al-qaacida, daadsan yihiin wadooyinka Baxdo, halkaasoo ay markii labadaan si daran ugu jabeen lix bil gudahood.

Degaanka Baxdo ayaa qiyaastii 90 Kiiloomitir u jira degmada Cadaado, waxaa aad ugu xooggan koox diimeedka Ahlu sunna, kuwaas oo labada marba si weyn isaga caabiyay duullaanka Al-Shabaab.

Sidoo kale, wararka ka imaanaya Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in in saacabka bulshada Caasimadda Galmudug, ay ku waabariisteen, duqeyn xooggan, taasoo magaalada Al-Shabaab ku garaaceen intii lagu guda jiray salaadda subax.

Degaannada Galmudug waxa ay labadii sano ee la soo dhaafay wajahayeen qatarta Al-Shabaab, mana muuqato qorshe uu maamulka Qoorqoor ugu talagalay inuu ku difaaco degaannada iyo shacabka, isagoo hore ugu fashilmo inuu abaabulo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
News 1 July 2022 19:42

The directorate said that even with the resumption of the Somali market, they are still targeting European countries, which in 2014 banned the crop after it was classified as a drug.