Meydka Gabar yar oo muddo la la’aa oo laga helay gobolka Galgaduud

Dilkan foosha xun ee Gabadha ayaa cabsi ku baarey shacabka ku nool degaanka, gaar ahaan waalidiinta oo amniga Caruurtood u welwelaya.

Warar Keydmedia Online
Meydka Gabar yar oo muddo la la’aa oo laga helay gobolka Galgaduud

MUQDISHO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Galgaduud, ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in degaan lagu magacaabo Ceyn oo ku dhow Godinlabe laga helay maanta meydka Gabar yar oo muddo laba toddobaad ah la la’aa.

Caasho Maxamed Shanle, oo 11 jir ahayd ayaa qoyskeeda raadinayey 15 maalmood, iyadoo loo maleynayo in la afduubtay kadibna la gowracay. Meydkeeda waxaa lasoo dhagay tuulo u dhow Godinlabe saacadihii hore ee Maanta oo Isniin ah.

Gacmaha iyo Lugaha ayaa laga xiray Gabadha, waxaana lagu gowracay mindi. Si rasmi ah looma oga cida dishay, laakiin wararka ayaa sheegaya in looga shakiyey habaryarteed oo ay la nooleyd, taasoo geysay degaanka lagu dilay.

Sanadkii tagey horaantiisa, waxaa Gaalkacyo dhinac Waqooyi lagu kufsaday, laguna dilay Caa'isha Ilyaas Aadan, oo 12 jir ahayd. Dhacdooyinka noocan ah ayaa ku badan Mudug iyo Galgaduud.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.