Meydka ganacsade Soomaaliyeed oo la’aa muddo oo la helay

Meydka wiil Soomaaliyeed oo ahaa ganacsade ku noolaa dalka Kenya, muddo toddobaad ahna la raadinayay ayaa la helay.

Warar Keydmedia Online
Meydka ganacsade Soomaaliyeed oo la’aa muddo oo la helay

NAIROBI, Soomaaliya - Waxaa maalmo ka hor laga afduubtay magaalada Nairobi Bashiir Gaboobe Maxamuud oo ahaa ganacsade iyo injineer dhallinyara ah oo dhawr sano ka hor ka soo guuray magaalada Seattle, ee waddanka Mareykanka. 

Meydkiisa ayaa shalay laga helay tuulada Mwea ee gobolka Kirinyaga, magaalada Nairobina u jirta 180 km.

Marxuumka ayaa kahor inta aan meydkiisa la helin waxaa gaarigiisa oo ahaa nuuca Range Rover la helay maalmo kahor isagoo gabi-ahaanba la gubay.

Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa maanta magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.