Mid kamid ah ilaaladii Cumar Filish oo xil sare loo magacaabay

Duqa Muqdisho Cumar filish ayaa horey xilka uga qaaday qaar kamid ah Gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, waxa uuna intooda badan ku bedelay gudoomiyaal aan qaraabo la aheyn kuwii uu horey xilka uga qaaday.

Warar Keydmedia Online
Mid kamid ah ilaaladii Cumar Filish oo xil sare loo magacaabay

MUQDISHO, Soomaaliya – Wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Wadajir C/raxmaan Maxamed Cali kadib markii shacabka degmada ay cabasho ka muujiyeen wax-qabad la'aantiisa.

Waxaa xilka loo magacaabey Bashiir Maxamed Cali, oo ay walaalo yihiin. Xog hoose oo ay heshay Keydmedia Online ayaa sheegaysa in guddoomiyaha cusub uu katirsanaa ilaalada gaarka ee Cumar Filish oo ay isku heyb yihiin.

Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay magacaabista Bashiir, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in degmada uusan ka dhicin is bedel la taaban karo, maadaama labo nin oo walaalo ah isku bedeleen xafiiska,xili dhibaato badan ay ka jirto degmada, oo ay kamid yihiin biyaha wadooyinka jiifa iyo nadaafad darro.

Siyaasadda dalka ayaa ah mid aan lagu saleyn aqoon ama xirfad, waxeyna tan iyo dowladdii Carta aheyd mid ku dhisan nidaamka qabiiliga ee wax lagu qeysado (4.5), waxaana kursiga siyaasadda Soomaaliya uu noqday mid la iska dhaxlo oo qabiil ama jufa walbo xajisato.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.