UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed waxaana uu kamid ahaa ergadii ansisay Dastuurka maalmo ka hor lagu ansixiyay magaalada Muqdisho.
Dilkaan ayaa waxaa geystay kooxo bastoolado ku hubeysanaa kuwaasoo markii ay dilka geysteen baxsaday.
Marxuum Cali waxa uu ahaa nin caan ka ah degmada Kaaraan, waxaana uu xubin ka ahaa ergadii dhowaan Muqdisho ku ansixisay dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha dilkaan geystay ay ka tirsanyihiin Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Sikastaba, maalmo ka hor ayay ahayd markii Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ay u hanjabeen inay bartilmaameysan doonaan cid kasta oo gacan ka geysatay ansixinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Keydmedia Online - Xafiiska, Muqdisho
Add comment
Comments