Midawga Musharrixiinta oo codsi u diray Golaha Amaanka

Golaha Midawga Musharrixiinta ayaa warqad u diray Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, waxa ayna ugu baaqeen in ay soo fara-galiyaan xaaladda ka sii dareysa ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Midawga Musharrixiinta oo codsi u diray Golaha Amaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Midawga Musharrixiinta waxa ay ka dalbadeen Golaha amaanka in ay soo far-galiyaan xaaladda Soomaaliya si xal loogu helo arrimaha taagan, deg-degna loogu qabto doorashooyinka Dalka.

Shan iyo tobonka Musharax ee waraaqdaan u diray Wakiilka Joogtada ah ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobey Marwo Dame Barbara Woodward, waxa ay si adag u eedeeyeen taliska waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo hoggaamiyo kaas oo ay ku sheegeen in uu hor taagan yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la is la oggol yahay.

Masharixiintu waxa ay sheegeen in Farmaajo uu bartilmaameed sanayo maamullada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan si uu u boobo doorashada ama u helo muddo kordhin.

Goluhu wuxuu codsay in Farmaajo laga joojiyo guud ahaan howlaha doorashooyinka isla-markaana xilka lagu wareejiyo gole ku meel gaar ah oo qaran oo ka imaanaya  Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Waxa ay xuseen in Farmaajo doonayo in uu majaxaabiyo nidaamkii qori isku dhiibka ahaa ee dalku soo socday doorashooyinkii la soo dhaafay uuna qorsheynayo in uu dalka xoogag milatari si uu u boobo dhoorashada.

Waxa ay caddeeyeen in Farmaajo amray in la qaarijo dhor musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jimcihii la soo dhaafay, sidoo kalana uu shacabka Soomaaliyeed u diiday in ay aragtidooda ku muujiyaan bannanbax nabadeed.

Waxa ay dalbadeen in baaritaan lagu sameeyo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday.

Qoraalka loo diray  Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha, Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arimaha Dibadda iyo Siyaasada Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga, Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC, Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.