Midowga Afrika oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika ayaa kulmaya maanta oo Khamiis ah si ay uga wada hadlaan dhibaatooyinka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo ka shiraya xaaladda Soomaaliya

ADDIS ABABA, Itoobiya - Kulanka ayaa la iclaamiyay kadib markii Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, uu codsay in la dhexdhexaadiyo isaga iyo Saamileyda Siyaasadda, Midowga Afrikana uu xal u raadiyo is mari waaga ka taagan doorashooyinka dalka.

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhankooda dhowaan sheegay in marka hore xaaladda cakiran ee Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Kulanka oo maanata ka dhacaya caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa la filayaa in lagu magacaabo, Ergay dhexdhexaadin oo wakiil ka ah Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

Xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ah mid aan fadhin, saacad kastana waxaa la filan karaa isku dhacyo ka dhex qarxa Dowladda Fadaraalka iyo Mucaaradka oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore.

Dalku wuxuu wajahayaa qalalaase dastuuri ah, kadib markii Golaha Shacabka uu muddo kordhin u sameeyay hay’adaha Dowladda, isla markaana uu saxiixay Farmaajo.

Dowladaha waaweyn ee adduunka oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Ingiriiska iyo UN, EU iyo AU ayaa dhaleeceeyay kordhinta, iyagoo ku baaqaya in laga heshiiyo khilaafka oo xasilooni darro ka abuuri karta gobolka oo dhan.

KEYDMEDIA ONINE

Commenting is not available in this channel entry.