Midowga Afrika oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa war qoraala oo ay soo saareen goor dhaw waxay ku sheegeen in maalinta berrito ah ay shir muhiim ah ka yeelanayaan xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa kulan ka yeelan doona xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo goor sii horreysay lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Ururka Midowga Afrika ayaa lagu yiri "Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa kulan ka yeelan doona berri oo Khamiista 22 -ka Abriil 2021, 10:00 subaxnimo xaaladda Soomaaliya".

Dooddii xalay ee Golaha Ammaanka waxaa diiradda lagu saaray in Midowga Afrika la siiyo kaalin hoggaamineed si xal loogu helo ismariwaaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya. Waxaa kaloo la isla meel dhigay in heshiiskii 17 Sept uu saldhig u yahay wada hadalka, taasoo meesha ka saareysa muddo kororsiga Farmaajo iyo kooxdiisa. 

Kulanka ayaa lagu wadaa in looga hadlo xaaladda cakkiran ee siyaasadeed ee Soomaaliya, muran hareeyay doorashooyinkii dalka ee ka dhici lahaa Soomaaliya dabayaaqadii sanadkii tagay ayaa wuxuu sababay inuu dib udhaco, iyadoo ugu dambeyntiina madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo loo sameeyay muddo kordhin sharciga baal marsan oo uu sameeyay mid kamida labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aanka rasmiga ah ee Ururka Midowga Afrika uu ka istaagi doono arrinta muddo kordhinta iyo weliba sidoo kale in dib loogu laabto miiskii wadahadalka ee Teendhada Afisiyooni taasoo uu kala diray madaxdii ku shireysay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].