Midowga Afrika oo war kasoo saaray dagaalladii Muqdisho

Midowga Afrika ayaa war kasoo saaray shaqaaqooyinkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale rabshadihii maanta ka dhacay isla magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Midowga Afrika oo war kasoo saaray dagaalladii Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - War kasoo ka soo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka ayaa la faray  in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Qoraalkan ayaa soo baxay kaddib markii xalay la weeraray Hotel Ma'ida oo horay loogu yeeri jiray Naasahablood 2, halkaas oo ay ku sugnaayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale waxaa rasaas oodda looga qaaday qaar kamida midowga musharaxiinta oo ay kamid ahaayeen Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Halkan hoose ka akhrso qoraalka Midowga Afrika:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.