Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Golaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay guddiyada ay dhawaaan magacaabeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Midowga Murashaxiinta, oo hore uga hor yimid guddigii ay soo magaacaabeen dowladda iyo maamulada taabacsan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan guddiga ay Puntland iyo Jubbaland shaaciyeen.
“Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Guddiyada Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraalka Musharixiinta.
Sidoo kale Goluhu wuxuu soo dhaweeyay baaqii Dani iyo Madoobe ee ahaa in shir dag dag ah la isugu yimaado kaas oo ay qeyb ka yihiin dowadda Fadaraalka, Maamul Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo Bulshada Rayadka.
“Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhaweynayaa baaqii labada dowlad golobeed ee ku aadanaa in ay shir dag dag ah isugu yimaadaan dowadda Fadaraalka, Maamul Goboleedyada, Midowga Murashaxiinta iyo bulshada Rayadka, six al wadar oggol ah loogu helo caqabadaha ku gudban hirgalinta heshiiskii 17 September 2020”. Ayuu lagu xushay qoraalka Mucaaradka.
Midowga Murashaxiinta waxa ay caddeeyeen in ay soo dhameystireen turxaan bixinta guddiyada doorashada heer Fadaraal iyo Maamul Goboleed ee aan buuxun sharicyada iyo hab raacyada rasmiga ah, isla markaana ay shaacin doonaan xilliga ku habboon.
Farmaajo ayuu Goluhu uga digay in uu qabto doorasho hal dhinac ah taas oo ay ku sheegeen in ay halis ku tahay xasiloonida, midnimada iyo wada jirka dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments