Midowga musharaxiinta iyo Bulshad Rayidka oo kulmay

Golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo Ururrada bulshada rayidka ayaa ku kulmay maanta magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta iyo Bulshad Rayidka oo kulmay

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo Ururrada bulshada rayidka ayaa ku kulmay maanta magaalada Muqdisho iyagoo ka arrinsanaya xaaladda dalka iyo muranka doorashooyinka ee weli socda.

Guddoomiyaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 Shariif Sheekh Axmed ayaa shir guddoominayay kulanka oo ahaa mid diiradda lagu saarayo arrimaha muranka badan ka taagan yihiin ee Doorashooyinka.

Tan iyo wixii ka dambeeyay goortii lagu dhawaaqay inuu burburay shirkii Dhuusamareeb waxaa sii xoogeysanayay dhaqdhaqaaqyada ka jira gudaha dalka, iyadoo aad looga walaacsan yahay halka uu ku socdo masiirka umadda Soomaaliyeed oo qal-qal galay kaddib markii la isku maan-dhaafay wada-hadalladii Dhuusamareb ka socday 3-5 Febaraayo kuwaasoo lagu guul darreystay in xal waara laga gaaro.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.