Musharaxiinta oo la kulmaya Madaxda Puntland iyo Jubbaland

Golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan xerada Xalane

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo la kulmaya Madaxda Puntland iyo Jubbaland

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa inay ku kulmaan xerada Xalane halkaasoo ay daggan yihiin mas'uuliyiinta.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay ka wada hadlaan arrimaha doorashooyinka la xiriira, iyadoo shirkii lagu waday inuu ka dhaco Xalane uu umuuqdo mid uu ka caga-jiidayo madaxweyne Farmaajo, waxa uuna madaxda dowlad goboleedyada xiriirka dhaw la leh ku qal-qaalinayaa in aysan kasoo qeyb galin shirka ay ku baaqeen Beesha Caalamka.

Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa arrinta caqabadaha haysta shirka iyo sidii looga mira-dhalin lahaa kala hadlaya golaha midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana goor dhaw shirka u dhaxeeya labada dhinac uu ka furmi doonaa xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.