Midowga Musharaxiinta oo baaq u diray Beesha Caalamka

Golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa baaq udiray beesha caalamka, iyagoo ku faah-faahiyay caqabadaha ku hor gudban doorashada Soomaalliya ee sanadkan 2021

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo baaq u diray Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, oo maalmahan kulamo is -daba joog ah iyo shirar gaar-gaara ka waday Muqdisho, ayaa waxay baaq u direen Beesha Caalamka xili xiisadda siyaasadeed ay cirka isku sii shareerayso.

Musharaxiinta ayaa soo jeediyay in xalka uu noqon karo in Hal magaalo lagu qabto doorashada, in arrinta kuraasta gobolada waqooyi loo daayo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Sidoo kale, Musharaxiinta waxay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro guddiga doorashada ee lagu muransan yahay, kuwaasi oo lagu soo daray Xubno NISA katirsan, Shaqaalaha dowladda iyo Taageeriyaashii Farmaajo ee baraha Bulshadda [Social Media].

Halkan hoose ka akhriso warbixinta oo ku qoran Luuqadda Ingiriiska:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.