Bayaan kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinata

Golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weeraradii lagu qaaday hoyga ay dagganaayeen Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Warar Keydmedia Online
Bayaan kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinata

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha ay ku mideysan yihiin midowga musharaxiinta ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii lagu qaaday guryaha ay kala daggan yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo labadaba kamid ah golahan.

War qoraal ah oo ay soo saareen ayey ku cambaareeyeen weerarka iyagoo mas'uuliyadda weerarkaas dusha ka saaray Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo "Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu si kulul u canbaaraynayaa weerarka ay ciidanka Maxamad Farmaajo ku qaadeen hoyga ay Muqdisho ka deggan yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cshakuur Waraame. Weerarka waxaa qayb ka ahaa ciidanka Gorgor ee ay Dawladda Turkiga tababareen, qalabeeyeen, mushaarkana siiyaan" ayaa lagu yiri qoraalka

Goluhu waxay sheegeen in maanta rasaas tiro badan laga daabulay ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna warbixintooda ku sheegeen in Agaasimaha hay'adda NISA uu ka daabulay hubka lagu weeraray xubno kamida golaha midowga musharaxiinta "Taliyaha Hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin ayaa maanta AMISOM ka daabulay rasaasta weerarka looga qayb qaatay" ayaa la raaciyay

Goluhu wuxuu farriin u diray Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM waxayna yiraahdeen "Haddaba waxaan uga digaynaa AMISOM iyo Dawlada Turkiga oo taageerta Ciidanka Gorgor in aysan qayb ka noqonin colaad sokeeye, xilna ka saaran yahay in ay caddeeyaan mawqifkooda ku aaddan taageeradoodii loo isticmaalay dagaalka sokeeye, tallaabo cadna ay ka qaataan arrintaas."

Weerarkii labaad ayey ciidamada dowladdu ku qaadeen mas'uuliyiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sida warbixinta lagu xusay "Waa markii labaad oo ciidanka Farmaajo ay weerar ku qaadaan deegaanka Xasan Sheekh Maxamuud iyo C/raxmaan C/shakuur oo labaduba ka mid ah Midowga Murashaxiinta. Goluhu wuxuu kaloo cambaaraynayaa caburinta iyo cadaadiska ay ku hayaan ciidanka Farmaajo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaa shacabka Muqdisho ee sida nabadda ah u mudaaharaadaya, kuwaasoo ka soo horjeeda muddo kordhinta sharci darrida ah ee uu samaystay."

Golaha ayaa dalbaday in ciidanka iyo siyaasadda lakala fogeeyo "Goluhu wuxuu horay uga digay cawaaqib xumida ka dhalan karta ciidanka oo loo adeegsado siyaasadda, lagana weeciyo yoolkii la dagaallanka kooxaha argagixisada Alshabaab. Goluhu wuxuu ku baaqayaa in gebi ahaanba ciidanka siyaasadda laga fogeeyo." ayaa lagu yiri.

AMISOM iyo Turkiga, ayaa looga digay in ay qeyb ka noqdaan dagaallo sokeeye, waxaana lagu caddeeyay in Farmaajo uu Xasan Sheekh iyo Warasme uu mid kasta labo mar weeraray.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].