Musharaxiinta oo dalbaday in lasii wado wada-hadalladda

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalbaday in lasii wado wada-hadalladii udhaxeeyay iyaga iyo RW xil gaarsiinta ah ee Xukuumadda Soomaaliya Rooble

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo dalbaday in lasii wado wada-hadalladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Afhayeenka midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo ku hadlaya afka golaha ay ku mideysan yihiin musharaxiin miisaan ku leh arrimaha doorashooyinka ayaa baaq udiray RW Rooble kaasoo ku aaddan in miis dushiis lagu dhammeeyo wada-hadallada iyo khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowladda.

Musharax Daahir Geelle ayaa yiri "Annaga oo ka duuleyna mabda’eenna ah in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhamaato oo aan fagaara kale lagu xallin karin, waxaan soo jeedinaynaa in ay sii socdaan wadahadalladi Ra'iisalwasaare Maxmed Xuseen Rooble iyo Midowga Murashaxiinta, si arrimaha murugsan ee Soomaaliya xal waara looga gaaro"

Dhawaan ayey ahayd markii uu fashil kusoo dhammaaday shir markii saddexaad ay isugu yimaadeen golaha midowga musharaxiinta iyo Xukuumadda xil gaarsiinta ah ee uu Rooble hoggaamiyo, waxaana wada-hadalladiisi fashilka ku yimid qolo waliba ay usaarisay dhinca kale, iyadoo xalay Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Baarlamanka JFS uu eedda fashilkaasi si gaara dusha uga saaray Agaasimaha Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay baaqan uga jawaabi doonaan garabka kale ee shirka, balse waxaa loo badaniyaa in aanay dowladdu dan kale ka laheen shirkaas, kaliya uun waxay daneeneysay in la lumiyo miisaankii uu lahaa Isku soobixii ay iclaamiyeen midowga musharaxiinta kaasoo markii labaad u baaqday cabsi ciidan oo ay dowladdu soo dhoobtay dhammaan isgoysyadii uu ka billaaban lahaa isku soo baxa.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.