Midowga musharaxiinta oo farriin kale u diray Beesha Caalamka

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa qoraal udiray wasiirro arrimo dibadeed iyo ururro caaalami ah oo ay kala hadlayaan arrimaha doorashooyinka

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta oo farriin kale u diray Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa qoraal ay ku sheegeen inay kula socod siinayaan xaaladda adag ee is-mari waaga siyaasadeed ee halista ku ah qarannimada Soomaaliya u diray qaar ka mid ah madaxda ururada caalamiga ah iyo wasiiro arrimo dibadeedyada dhowr dal oo saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya.

Qoraalka waxaa ku saxiixnaa 15-ka musharax ee golahan u direen Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Antony J. Blinken, Wakiilada sare ee Midowga Yurub ee siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Josep Borrell, xoghayaha arrimada dibedda Britain Dominic Raab, Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlüt Çavuşoğlu, guddoomiyaha Midowga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi Tshilombo, Xoghayaha ururka iskaashiga dalalka Islaamka Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman Al-Othaimeen iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Ahmed Aboul-Gheit.

“Tan iyo markii uu dhammaaday muddo xileeka xafiiska ee madaxweynihii hore ee Farmaajo, 7-dii Febraayo, Soomaaliya ma lahyen dowlad sharci ah oo dastuur ku dhisan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegeen in doodda ku dhisan danta shakhsi ee madaxweynihii hore ee ah inuu xafiiska sii joogayo inta laga doorto cid beddesha ay tahay mid aan sax aheyn, sababtoo ah isagaa ay ah sababta ugu weyn ee dib u dhigtay hanaankii doorasho, waa sida ay musharaxiintu ku doodayaane.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.