Musharaxiinta oo isugu tagay Hotel u dhaw Villa Somalia

Wararkii ugu dambeeyay ee dhaqdhaqaaq ay wadaan midowga musharaxiinta madaxweynaha ayaan halkan idinkugu soo gudbin doonaa, iyadoo musharaxiinta qaar loo diiday Hotel ay dagi lahaayeen.

Warar Keydmedia Online
Musharaxiinta oo isugu tagay Hotel u dhaw Villa Somalia

MUQDISHO, Soomaaliya - Iyadoo maalinta berri ah lagu ballansan yahay bannaanbixii ay iclaamiyeen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyada diyaar garowga bannaanbaxa beri ee Daljirka Dahsoon.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa is hortaag ku sameeyay saddex musharax oo kala ah Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Xasan Cali Khayre oo kamida golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasoo doonayay in ay dagaan Hotel SYL oo ku dhaw xarunta madaxtooyda Villa Somalia.

Musharaxiinta laga hor istaagay in ay dagaan hotel ka ayaa usoo gudbay Hotelka Maaida oo horay loogu yaqaanay  Hotel Naasa-Hablood 2. 

Hotel ka waxaa horay ugu sugnaa Madaxweynayaashii hore ee dalka Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana ku sugan koontaroolada u dhaw madaxtooyadda ciidamo ilaalo u ah midowga mushararxiinta kuwaasoo u diyaar garoobaya kulan weynaha berri lagu ballansan yahay ee daljirka dahsoon.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.