Midowga Musharaxiinta: Ma aqbaleyno muddo kororsi

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku diideen waxa loogu yeeray Muddo kororsiga uu sameeyay Golaha Shacabka BJFS.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta: Ma aqbaleyno muddo kororsi

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka hor yimid go'aankii muddo kordhinta loogu sameeyay hay'adaha dowladda iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.

"Golaha Murashaxiinta waxay si adag u diidayaan muddo kororsiga sharci darrida ah ee maanta uu ku kacay guddoonka Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisu dhammaaday." ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha 

Waxaa baaq loo diray Beesha Caalamka oo loo sheegay in ay tallaabo adag ka qaadaan shakhsiyaadka ka dambeeyay falkan muddo kororsiga ah "Goluhu wuxuu ugu baaqayaa beesha caalamka in ay tillaab ka qaaddo shakhsiyaadka halista ku ah deganaanshaha iyo xasilloonada Soomaaliya" ayaa lagu yiri.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka golaha:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.