Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Golaha ay ku midoobeen musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa soo jeediyay in shir degdeg ah la isugu yimaado, si xaaladda dalka uu ku jiro looga samata bixiyo.
MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Golaha Midowga Musharixiintu ay ku baaqeen in shir deg deg ah ay isugu yimaadaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, iyadoo la amba qaadayo shirkii hore 17kii September.
Golaha Midowga Musharixiinta waxa ay walaac ka muujiyeen Jahawareerka Siyaasadeed ee dalku marayo, waxaana Goluhu ay si gaar ah kaga hadleen marxaladda kala guurka ee dalku marao iyo sidoo kale khilaafka baahsan ee hareeyay in dalka ay doorasho wada ogool ah ay ka dhacdo.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen golaha:
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments