Midowga Musharaxiinta oo ku kulmaya Muqdisho

Midowga Musharixiinta ayaa caawa lahaanaya kulan deg-deg ah oo ay uga hadlayaan go'aankii Dowladda ee doorashadda. 

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo ku kulmaya Muqdisho

MUQDISHO - Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa goordhow shir deg-deg ah isugu imaanaya iyaga oo ka wada hadli doona hadalkii maanta kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha, sida ay ogaatay Keydmedia Online.

Midowga Musharaxiinta oo ay hoggaaminyaan Madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin saameyn weyn ku leh siyaasadda dalka ayaa si weyn uga soo horjeeda sida ay wax u waddo Dowladda Madaxweyne Farmajo, waxaana la filayaa in ay si adag uga hadli doonaan doorashada Rooble sheegay in lagu qabanayo Dalka.

RW Rooble ayaa maanta ku dhawaaqay in dalku u dareerayo doorasho aan la isku waafaqsaneyn, taas oo ka dhici doonto Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Muqdisho. 

Madaxweynaha Galmudug, Qoor-Qoor oo qudhiisu sheegay in ay fashilantay waan-waan uu waday iyo dhaleeceynti uu dusha kaga tuuray Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay ka hadlaan Midowga Musharaxiintu.

Farmaajo iyo Fahad Yaasin iyo maamuladda ay soo dhisteen labadii sanno ee lasoo dhaafay ayaa meel isla dhigay go'aan gurracan, oo horseedi doono in dalka uu gala marxalad fowdo ah iyo inay burburto dowladnimadda mudada 20-ka sano laga soo shaqeynayay dhismaheeda tan iyo Shirkii Carta 2000.

Farmaajo ma doonayo inuu sameeyo gudi hufan oo xalaal ah oo doorashadda u qabta si xor iyo xalaal ah, oo loo dhan yahay, waayo wuxuu dejistay qorshe uu kusoo laabanayo, mana doonayo inuu kursiga ka dego.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.