Midowga musharaxiinta oo mar kale kulan deg-deg ah yeeshay

Golaha ay ku mideysan yihiin Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa shir deg-deg ah isugu yimid galabta Hotel ka Jazeera ee magaalada Muqdisho

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta oo mar kale kulan deg-deg ah yeeshay

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa goor dhaw shir deg-deg ah isugu yimid Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, Shirka ayaa looga arrinsanayo caqabadaha hortaaggan in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay loona wada siman yahay.

Musharraxiinta ayaa ku sugan hoolka shirarka iyagoo halkaa ku yeelanaya shir albaabadu u xiran yahay, waxaana la filayaa in ay war kasoo saaraan shirkooda, kulanka waxaa ka dhex muuqda hoggaamiyaha xisbiga Nabadda iyo Horumarka Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Hoggaamiyaha Xisbiga Dan Qaran Danjire Daahir Geelle, Hoggaamiyaha Xisbiga Sahan Cabdikariin Xuseen Guuleed, Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Keydmedia Online waxay soo xuuraansaneysaa ilaha muhiimka ah ee laga heli karo warka kasoo baxa kulankaas, waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii kusoo kordha, iyadoo goobta shirka uu ka socdo aysan goobjoog ka ahayn warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.