Midowga Musharaxiinta oo digniin adag u diray Farmaajo iyo kooxdiisa

Musharraxiinta ayaa digniin u diray  guddoomiye Maxamed Mursal oo ay ku sheegeen inuu doonayo inuu dib usoo nooleeyo barlamaanka golaha shacabka iyo isku dayo lagu carqaladaynayo daddaalka uu ra’ iisul wasaaruhu ku bixinayo caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo digniin adag u diray Farmaajo iyo kooxdiisa

MUQDISHO, Soomaaliya- Kulan ay isugu yimaadeen midowga musharaxiinta ayay ku sheegeen inay si buuxda u garab taagan yihiin Ra’iisul Wasaare Rooble,

Dadaallada uu wado Rooble ee caddaalad u raadinta  Ikraan Tahliil ayay si buuxda u taageereen, iyagoo ka dalbaday in lagu sameeyo baaritaan hufan oo dhameystiran islamarkaana eedeeysanayaasha si degdeg ah sharciga loo horkeeno.

Musharraxiinta ayaa digniin u diray  guddoomiye Maxamed Mursal oo ay ku sheegeen inuu doonayo inuu dib usoo nooleeyo barlamaanka golaha shacabka iyo isku dayo lagu carqaladaynayo daddaalka uu ra’ iisul wasaaruhu ku bixinayo caddaalad u raadinta qoyska Ikraan Tahliil.

Warsaxaafadeed ay soo saareen oo ka koobnaa sideed qodob ayaa sidoo kale lagu eedeeyay Madaxweynihii muddo xileedku ka dhammaaday in uu waddo abaabul ka dhan ah arrimaha doorashooyinka dalka, taas oo xagal daacineysa heshiisyada laga gaaray hannaanka doorashooyinka dalka.

 Halkaan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka midowga musharraxiinta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.