Midowga Musharaxiinta oo Farmaajo ku eedeeyay ‘Afduub’

Golaha ay ku mideysan yihiin Midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa goor dhaw isugu yeeray warbaahinta, waxayna ka hadleen xaaladda adag ee uu dalku galayo maalinta maalinta ka dambeysa.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo Farmaajo ku eedeeyay ‘Afduub’

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha midowga musharaxiinta ayaa isugu yeeray warbaahinta, iyagoo ka hadalay xaaladda adag ee uu dalku galay.

Shir jaraa'id oo ay wada-jir u qabteen ayey aad ugu nuuxnuuxsadeen xaaladda maanta ee dalka, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo halka uu dalka ku hoggaaminayo, waxayna uga digeen madaxweynaha in ay ku filnaato wixii uu horay ugeystay ee ahaa inuu sharciga baal maray.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo la hadlaya taliyaha cusub ee maanta loo magacaabay ciidanak Booliska Gobolka Benaadir yiri "Farxaan Qaroole waxaan lee yahay dhiiqaa laguha galshee haku karaama seegin, mustaqbalkaaga mugdi ha galin".

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna xubin kamida Golaha Midowga musharaxiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa isna yiri "Farmaajo waxba ma dhaamo hogaamiye kooxyadii haysan jiray Villa Somalia. Farmaajo Villa Somalia isagoo hogaamiye kooxeed ah ayuu dhax fadhiyaa wax sharciyad ahna kuma fadhiyo".

Ra'iisul Wasaarihii hore ee lasoo shaqeeyay Farmaajo Xasan Cali Kheyre oo isna kamida Golaha ayaa Beesha Caalamka baaq u diray isagoo sidoo kalena ka hadlay Farmaajo iyo wixii uu falay intii madaxweynaha ka ahaa waddanka "Beesha Caalamka waxaan lee yahay way dhamaatay xilligii dhinacyada la fiirinayay hal nin baa qaldan oo dalka meel aan wanaagsaneen ku wada. Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmaajo dalkaan xoog kuma haysan karo, dalka meesha uu marayo isaga ayaa geeyay, Dhuusamareeb waxa uu kasoo tagay iyadoo shirku uu socdo kii Afisiyooni isagaa fashiliyay." 

Saacado kahor waxaa warbaahinta hor yimid Taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Benaadir Saadaq John oo u sheegay bulshada Soomaaliyeed in uu is hor taagay kulankii Baarlamanka ee maanta, kaasoo sida uu sheegay la damacsanaa in lagu sameysto muddo kororsi. 

Wax yar kaddib ayaa warbaahinta dowladdu daabacday xil ka qaadis lagu sameeyay Taliye Saadaq John, waxaana ammaanka goobta uu shirku ka dhacayo ku sugan ciidamda AMISOM oo baaritaan xoog leh ku sameynaya shakhsiyaadka galaya gudaha Villa Somalia iyo xarunta KMG ee Golaha Shacabku ay ku shirayaan ee Villa Hargeysa.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].