Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Golaha ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa soo saaray baaq ka kooban lix qodob kuwaasoo ay uga hadlayaan xaaladda dalka iyo dhammaadka muddo xileedka Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay ku caddeeyeen dhammaadka muddo xileedka madaxweynihii 9-aad Maxamed Farmaajo iyo buuxinta firaaq dastuuri ah ee xilka madaxweynanimo.
"Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 8 Ferbaayo 2021 Golaha Midowga Murashaxiinta uma aqoonsana Maxamad C/llaahi Maxamad Farmaajo in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, wuxuuna Goluhu ugu baaqayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu Dastuurka iyo sharciga dalka u hoggaansamo, si uusan u lumin xuquuqda uu leeyahay madaxweyne hore, taasoo shardiga ku xiran uu yahay in uu xilka si nabad ah ku wareejiyo" ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments