Midowga musharaxiinta oo walaac ka muujiyay dhex-dhexaadinta Rooble

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku muujiyay walaac ay ka qabaan doorkiisa dhexdhexaadinta RW Rooble

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta oo walaac ka muujiyay dhex-dhexaadinta Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya -  Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa waxaa ay shaki geliyeen in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo horraantii bishan lagu wareejiyay in uu hoggaamiyo arrimaha doorashooyinka iyo weliba amniga..

Golaha ayaa qoraal ay soo saareen waxay udireen xubnaha wakiilada Beesha Caalamka waxaana lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda.

Midowga Musharixiinta ayaa waxay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu billaabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Xafiiska RW Rooble ayaa ku howlan diyaarinta qorshaha shirka lagu wado in uu qabsoomo 20 -ka bishan inkastoo laga cabsi qabo in uu dib uga dhaco maadaama xiligii shirka ay ka harsan tahay afar cisho, welina aan si buuxda loo diyaarin ajandayaasha iyo sidoo kale madaxdii ka qeyb gali lahayd shirka oo aan weli imaan magaalada Muqdisho oo lagu ballansan yahay inuu ka dhaco shirka.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ay soo saareen Golaha:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.