Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Bannaan-bixii maanta

Golaha ay ku mideysan yihiin Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa war qoraal ah kasoo saaray dhacdadii maanta ka dhalatay Bannaan-bixii ay sameynayeen dadweyne careysan.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray Bannaan-bixii maanta

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha ay ku mideysan yihiin Musharaxiinta ugu cad-cad tartanka madaxtinimada Soomaaliya ee 2021 ayaa war qoraal ah kasoo saaray waxayna si kulul u canbaaraynayaa rasaastii ay ciidanka dawladda Federaalka ahi sida arxan darrida ah ugu fureen shacabka Soomaaliyeed ee sida nabadda ah ugu mudaaharaadayey magaalada Muqdisho.

"Golohu wuxuu mas’uuliyada eeddaas dusha ka saarayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ciidanka Gorgor, iyo Haramcad ee ay dawladda Turkiga tababartay u adeegsaday caburinta shacabka mudaaharaadayey" ayaa lagu yiri war murtiyeedka.

Isku soo bixii maanta ee ay dhigayeen qaar kamida shacabka ku dhaqan degmooyinka Gobolka Benaadir ayey ciidamada dowladda soomaaliya u adeegsatay Rasaas iyagoo weliba xiray qaar kamida waddooyinka ugu waa weyn magaalada sida waddada Maka Al-mukarama, waxayna sidoo kale ciidamo dul dhigtay dagmooyin laga baqanayay in ay ka dhacaan bannaan-baxyo sida Howlawadaag iyo Hodan.

KEYDMEDI ONINE

Commenting is not available in this channel entry.