Midowga musharaxiinta oo war qoraala kasoo saaray shirkii Afisiyooni

Golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayaa war qoraal ah kasoo saaray shirkii afisiyooni ee maanta kusoo dhammaaday natiijo la'aanta

Warar Keydmedia Online
Midowga musharaxiinta oo war qoraala kasoo saaray shirkii Afisiyooni

MUQDISHO, Soomaaliya - War-Saxafadeed kasoo baxay Golaha Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya 2021 ayey ku sheegeen walaacooda ku aaddan fashilin uu shirka Afisiyooni ku sameeyo Farmaajo.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in ujeedada madaxweyne Farmaajo ay tahay inuu muddo kororsi u dan-leeyahay, waxaana si aada loogu faah-faahiyay tallaabooyin uu horay u qaaday kuwaasoo caddeyn buuxda u ah in Farmaajo uusan rabin in uu najaxo wadahadallada.

"Waxaa maalinba maalinta ka danbaysa shacabka Soomaaliyeed iyo Golaha Midowga Musharraxiinta u sii caddaanaya in Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday uu carqaladayn joogta ah ku hayo geeddi socodka lagu baadigoobayo doorasho wadar oggol ah oo si nabad ah ku dhacda, iyadoo ujeedkiisu yahay muddo kororsi khilaafsan dastuurka, halisna ku ah xasilloonida dalka" ayaa lagu yiri qoraalka

Sidoo kale waxaa baaq loo soo jeediyay madaxweyne Farmaajo waxaana lagu yiri "Goluhu wuxuu ugu baaqayaa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu shirka dib ugu laabto, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho wadar ogol ah oo si nabad ah ku dhacda. Goluhu wuxuu ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba u caddaynayaa in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu qaadayo mas’uuliyadda fashilka ku yimaada shirka, tahayna in lagula xisaabtamo"

Ugu danbeyn Golaha ayaa wuxuu bogaadiyay dadaalka beesha caalamka ugu jirto sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah oo wadar oggol ah, wuxuuna goluhu ugu baaqayaa in ay qaataan mas’uuliyada ka saaran xaqiijinta yoolkaas.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.