Midowga Musharixiinta oo hambalyo u diray Cabdi Xaashi

Musharixiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi, u rajeeyay inuu howlihiisa u gadan doono si waafaqsan Dastuurka u yaalla iyo danaha Qaranka Waafaqsan.

News Keydmedia Online
Midowga Musharixiinta oo hambalyo u diray Cabdi Xaashi

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa hambalyo u diray, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ku guulaystay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyada Federaalka 2022-2026.

Waraaq ka soo baxday Midowga Musharixiinta, ayaa lagu sheegay in Senator Cabdi Xaashi, kaalin firfircoon ka soo qaatay halkii ka dhanka ahaa, muddo kordhintii sharci darrada ahayd ee Farmaajo sameystay bartamihii bishii April 2021.

Senator Xaashi wuxuu uddub dhexaad u ahaa halgankii looga horyimid muddo kororsigii sharci darida ahaa iyo jahwareer kii siyaasadeed ee uu dalka u horseeday madaxwaynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo”, ayaa lagu yiri warka GMM.

Musharixiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Golaha Midowga Musharixiinta, ayaa Cabdi Xaashi Cabdullaahi, u rajeeyay inuu howlihiisa u gadan doono si waafaqsan Dastuurka u yaalla iyo danaha Qaranka Waafaqsan.

Doorashada Cabdi Xaashi, ayaa ka dhigan inuu markii labaad noqday Guddoomiyaha Golaha, xilli ay xusid mudan tahay in uusan jirin, Shaqsi kale oo xilkaas qabtay maadaama muddo xileedkii labaad ee Golaha uu hadda yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.