Midowga Musharixiinta oo ka hadlay walaaca waalidiinta

Golaha midowga Musharixiinta ee u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ay yeehseen waxa ay kaga hadleen xaladaha uu hadda ku sugan yahay wadanka.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharixiinta oo ka hadlay walaaca waalidiinta

MUQDISHO, Soomaaliya - Kulaan oo Muqdisho ka dhacay ayaa looga dooday xaaladda Amni ee dalka ka jirata, arimaha la xariira Doorashooyinka, xaaladda cakiran ee ka taagan Gobolka Bakool & welwelka ay qabaaan waalidiinta dhalinyaradu ka maqan yihiin.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo  la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay kala qeyb galeen haween si ay is kula eegaan xaaladda la xariirta dhalinyarada maqan.

Ridwaan Xirsi, ayaa sheegay in kulankaan intiisa badan looga hadlay walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee la xarira dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, isagoo dowladda ku eedeeyay in ay siyaasadeysay arintaan.

Afhayeenka Golaha Midowga Musharixiinta isagoo hadlayay ayuu yiri, “Arintaani arin fudud maaha, waxa la sheegayo waa tiro aad u badan oo dhalin-yaradaas ah, oo waalidkoodu ay ka war la’yihiin muddo dheer”.

Wasiirka warfaafitna ayuu ku eedeeyay inuu ka been sheegay arintaan isla markaana uu xitaa siyaasadeeyay isla markaana diiday inuu ka jawaabo su’aal la xariirtay dhalinyarta faraha badan ee la geeyay Eritrea.

 “Tababarka Ciidamada waa arrin ku saleysan sharciga dalka, heshiisyo in lala galo dowladaha tababarka noo fidinaya waa arimo aan qarsooneyn, dhalinyarta faraha badan ee la geeyay Eretareeya markii la weydiiyay Wasiirku wuu ka jawaabi waayay oo uu ka meereystay”. Ayuu yiri Ridwaan.

Midowga Musharixiinta ayaa ugu danbeyn Madaxweynaha dalka ugu baaqay inuu caddeeyo arintaan sida ay u jirto.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.