Midowga Musharixiinta oo soo dhaweeyay ka laabashada muddo kordhinta

War saxaafadeed ay soo saareen Golaha Midowga Musharixiinta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii looga laabtay muddo kordhinta, waxaana looga hadlay arrimo badan oo la xariira siyaasadda cakiran ee dalka.

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharixiinta oo soo dhaweeyay ka laabashada muddo kordhinta

MUQDISHO, Soomaaliya - War ka soo baxay Golaha Midawga Musharixiinta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aanka looga laabtay muddo kordhinta, loona aaday hirgalinta heshiskii 17-kii September 2020, lagu gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna u mahad celiyeen shacabka iyo ciidanka ka qeyb qaatay difaaca sharciga, sida ay hadalka u dhigeen.

Golaha Midowga Musharixiinta, waxa ay shacabka ku dhaqan Caasimadda dalka uga tacsiyeeyeen culeysyadii jiray maalmihii la soo dhaafay, waxayna musuuliyadda dhibkii dhacay dusha ka saareen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Goluhu wuxuu sidoo kale soo dhowaynayaa in Rai’sal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka,” Ayaa sidoo kalel agu yiri warka ka soo baxay Musharixiinta.

Waxa ay soo jeediyeen in dib loo mideeyo ciidanka, isla markaana xukuumaddu magacaawdo, hoggaan mideyn kara ciidanka, waxayna ka digeen in la isku dayo aargudasho ka dhan ah ciidanka diiday muddo kordhinta,

“Goluhu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo Rai’sul Wasaaraha qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna diyaar u yahay ka qaybgalka shirka wadatashiga, si uu miiska u soo saaro tabashooyinka ku aaddan fulinta heshiiska 17-ka September.” Ayaa lagu sheegay war murtieedka.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen in wixii ka danbeeyay May 1, 2021, guud ahaan amniga dalka lagala xisaabtamayo Ra’iisul Wasaare Rooble, waxayna ku booriyeen qabashada doorasho uu dhexdhexaad ka yahay.

Musharixiintu ugu danbeyn waxa ay u mahad celiyeen Maamullada ka jira dalka oo si isku mid ah u diiday muddo kordhinta, halka ay bogaadiyeen taageerada Beesha Caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].