Midowga Musharrxiinta: ‘qaswade’ haloo aqoonsado Farmaajo

"Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa bilowga boobka doorashada heer qaran taas oo uu madaxweynaha ugu bareerayo abuuris xasarad"

Warar Keydmedia Online
Midowga Musharrxiinta: ‘qaswade’ haloo aqoonsado Farmaajo

MUQDISHO - Golaha midowga Musharaxiinta ayaa si kulul uga hadlay Jadwalka dorasho ee ay soo saareen guddiga doorashada heer federaal, kaasi oo ku aaddan doorashada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay guddiga soo saareen ayaa waxay ku sheegeen in ugu horreyn ay cambaareynayaan jadwalkan uu soo saaray guddigan oo ay u aqoonsadeen inuu yahay mid sharci darro ah.

"Goluhu wuxuu tillaabadan u arkaa bilowga boobka doorashada heer qaran taas oo uu madaxweynaha ugu bareerayo abuuris xasarad" ayaa lagu yiri qoraalkan.

Sidoo kale, golahan ayaa uga digey maamul goboleedyada taageersan Madaxweyne Farmaajo, iney ku kadsoomaan doorasho aan la isku raacsaneyn oo ay qabtaan.

Waxa ay sheegeen in Farmaajo uu qaadi doono eedda wax walbo oo ka dhashay qabashada doorasho aan la isku raacsaneyn.

Qoralka golaha Midowga Musharraxiinta halkaan ka akhriso:

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.