Midowga Yurub oo ka hadlay Markab lagu afduubay xeebaha Puntland

Markabka oo shidaal usoo waday Muqdisho ayaa la sheegay inay cilad soo wajahday, kadibna uu mudo maalmo ah taagnaa meel ku dhaw Tuulada Bareeda, oo katirsan gobolka Bari, ee Puntland.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo ka hadlay Markab lagu afduubay xeebaha Puntland

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Badda Midowga Yurub ee ka howlgalaya Xeebaha Soomaaliya ayaa beeniyay warka ku saabsan in burcad-badeed ay afduubtay todobaadkii tagey Markab shidaal saaran, oo ka yimid Imaaraadka, kuna soo jeeday dekadda Muqdisho.

War kasoo baxay EU NAVFOR maanta oo Axad ah ayaa lagu shaaciyay in Markabka MT AEGIAN II ay soo wajahday cilad, kadibna ay u tageen Ciidanka Badda Puntland oo ka caawiyay in la sameeyo, waxuuna ku xirtay Dekadda Boosaaso.

Markabka oo ku shareecanayay Calanka Panama ayaa dhanka matoorka ka cilladoobey, isagoo ku safraya xeebta ku aadan Puntland, sida ay sheegeen Ciidanka Midowga Yurub oo intaasi ku daray in aan jirin afduub loo geystay Markabka.

Weerarada Burcad-badeeda ayaa hoos u dhacay wixii ka dambeeyay 2017, iyadoo bada ay ku sugan yihiin marakaiib dagaal oo ay leeyihiin Ciidanka Isku dhafka ee Midowga Yurub, kuwaasoo dusha kala socoda maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha badweynta Hindiya.

Ma dhicin wax weerar ah tan iyo 2017. Burcadbadeeda ayaa $7 billion ka sameeyay howlaha afduubka maraakiibta, iyagoo qabsaday kun shaqaale ah oo madax-furasho lagu sii daayay intooda badan.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.
    Warar 25 September 2020 4:10

    Bajaajlayaasha waxaa la dilaa iyaga oo bixinaya canshuurtii dowladda, waana cadaalad daridda ka jirta Muqdisho sida uu Farmaajo xilka ula wareegay oo ku kalliftay dhalinyarro badan in ay gabi ahaamba dalka isaga tagaan.