Midowga Yurub oo u hanjabay Farmaajo iyo Madaxda Maamullada

Waxaa Muuqata in Beesha Caalamka uu dulqaadkii kasii dhamaanayo, oo ay lasoo baxeen hadallo aan horey looga baran oo hanjabaad ah.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo u hanjabay Farmaajo iyo Madaxda Maamullada

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa u hanjabay Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyadda kadib markii ay isku khilaafeen shirkii Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay ee Afisyooni, oo Farmaajo furay Isniintii iyadoo ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Deni.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in shaqsi kasta oo isku daya inuu caqabad ku noqdo Wadahadallada ama isticmaallo rabshado laga qaadi doono tallaabo, islamarkaana uu la kulmo doono cawaaqibka ficiladiisa.

Waxaa sidoo kale lagu qoraalka: Madaxda Maamullada iyo dowladda Federaal waa inay dhowraan mas'uuliyadda ay u hayaan shacabka, islamarkaana si deg deg ah ku qabtaan doorashooyinka baarlamaaniga iyo mida Madaxtinimo si dhaqso ah".

"Marka ay danta shaqsi laga hormariyo mida guud ee dalka waxaa lumaya kalsoonidii madaxda ay shacabka ku mateli lahaayeen," ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka, oo intaasi ku daray in khilaafka taagan uu dib u dhac ku keenayo isbedelladii ka socday Soomaaliya.

Norway oo kamid ah Midowga Yurub ayaa Safaaradeeda Muqdisho sheegtay in dowladda Farmaajo looga baahan yahay xukunka inay si nadiif ah ku wareejiso, iyadoo Xukuumadda Oslo shaacisay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda is-mariwaaga taagan iyo inaysan jirin tanaasul madaxda ay sameynayaan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.