Midowga Yurub oo u hanjabay Madaxda Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu laabto wada hadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii September 17 2020, lagu gaaray Caasimadda dalka.

Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo u hanjabay Madaxda Soomaaliya

BRUSSELS, Belgium -  Bayaan ka soo baxay xaafiiska Wakiilka Sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa looga soo hor jeestay, muddo kordhintii uu shalay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, u sameeyay hay’adaha Sharci dajinta iyo Fulinta.

Tallaabadan waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo Beesha Caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.

War Saxaafadeedkan, waxaa si cad loogu muujiyay go’aanka EU, ee ku aaddan muddo kordhinta, waxaana lagu caddeeyay in qaraarkaan uusan ahayn mid ka shaqeynaya danaha dadka iyo dalka Soomaaliya.

“Midowga Yurub, wuxuu rumeysan yahay in meel marinta iyo saxiixa qaraarkan ay kala qeybin doonaan Soomaaliya, soo rogi doono dib u dhacyo dheeri ah isla markaana ay khatar weyn ku tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii kama shaqeynayo danaha dadka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Midowga Yurub, Waxay ku baaqday in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii 17-kii September 2020, lagu garay Muqdisho.

Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Amniga Josep Borrell, ayaa ku gooddiyay “in haddii taa la waayo ay ka fiirsan doonaan tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo”.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].