Midowga Yurub oo diiday in dowladda KMG Soomaaliya ay Waqtiga dheeraysato

BRUSSELS (Keydmedia) - Dalalka ku jira Ururka Midawga Yurub ayaaa waxa ay shaaca ka qaadeen in aysan ogaalan doonin in ay Dowlada KMG ah ay waqtiga dheereesato.
Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo diiday in dowladda KMG Soomaaliya ay Waqtiga dheeraysato

Iyadoo uu waqti kooban ka harsan yahay xilliga uu ku egyahay waqtiga dawlada KMG ee Soomaaliya ayaa ururka midawga Yurub waxaa uu kasoo horjeestay in dowladu ay samaysato Waqti kordhin.

War Saxaafadeed ka soo baxay Midawga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibbadda laguna qoray Wakaaladda wararka ee KUNA ee dalka Kuwait ayaa waxaa lagu sheegay in Ururka uusan u dulqaadanayn in dawlada KMG ee Soomaaliya ay Waqti kororsato taasi oo ay tilmaameen in aanay  shaqeynayn doonin.

Midawga Yurub waxaa uu ugu baaqay Madaxda dowlada KMG ah ee Soomaaliya inay qaadaan Tillaabo kastan oo sahli karta inuu isbedal dhinaca Siyaasadda ah uu dhaco marka la gaaro 20 Bisha August ee 2012.

Dhinaca kale Midowga Yurub waxaa uu taageero u muujiyay Shirarka ka kala dhaci doona dalalka Turkiga iyo Talyaaniga Bilaha June iyo Jully ee sanadkan

Marka la gaaro Bisha August ee sanadkan waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin lagu soo dooranayo Madaxda dowladda cusub ee dalku yeelanayo iyadoona laga baxayo Xilliga KMG  ah oo hadda Waqti yar ka haray.

Keydmedia.net - Xafiiska, Muqdisho