Midowga Yurub oo ballaariyeen Howlgalka La dagaalanka Burcad-badeeda

DAR ES SALAAM (Keydmedia) - Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya dalka Tanzania, Filiberto Ceriani Sebregondi ayaa shaaciyay in Ururka Midowga Yurub uu bilaabayo Mashaariic lagu "horrumarinaayo" siduu yiri Ammaanka Xeebaha Geeska Afirca, si looga hortago Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida.
Warar Keydmedia Online
Midowga Yurub oo ballaariyeen Howlgalka La dagaalanka Burcad-badeeda

Safiirka ayaa sheegay in la sameen doono Barnaamijyo la isku xiraayo Xiriirka wada shaqeyn ee ka dhexeeya dalalka Soomaaliya, Kenya Tanzania, Djibouti, Seychelles iyo Mauritius eek u aadan la dagaalanka Burbadbadeeda.

Wuxuu hadalkan ka sheegay Waryesi looga qaaday magaalada Dar es Salaam, ee Xarunta Ganacsiga Tanzania, in hadda isku xirka Wadamadaasi ee xagga ammaanka uu Daciif yahay.

Sidaa darteed waxa loo baahan yahay, ayuu yiri in Arrintan ay noqoto mid hirgasha, taas oo Midowga Yurub ku qarash gareyn doontaa 16-Milyan euros oo u dhiganta 21 million oo doollar Maraykanka.

Danjire Sebregondi, ayaa sheegay in Barnaamijkan uu bilaaban doono Labo Toddobaad ama Bil kadib, wuxuuna sheegay in uu socon doono mashruucan Hal illaa Labo sano oo xiriir ah.

Midowga Yurub ayaa dhawaan sheegay in ay ballaariyeen Howlgalka La dagaalanka Burcad-badeeda, waxana ay ku dareyn dhinaca Bariga in lagula dagaalamo Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida.

Mashruucaas oo dhawaan soo baxay ayee Keydmedia 4 Bilood kahor soo Qortay iney sidaas dhici doonto - Aqriso Reportka.

Sidoo kale Warbixin dhawaan ay soo saartay Hay'adda Badaha Caalamiga ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka oo la socota dhaqdhaqaaqa Koox burcad-badeeda, waxa ay sheegayaan in 28% uu hoos dhac ku yimid weerarada Kooxaha Burcad-badeeda Soomaalida 4 Bil ee ugu horaysay ee Sanadkan.

Keydmedia.net - Xafiiska, Nairobi




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.