Milatariga Gobolka Bay oo ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolkaas

Baydhabo (KON) - Ciidamada Milatariga ee Gobalka Bay ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Maamulka Gobalkaas taas oo ku aadaneed in ay ku lug leeyihiin Amaan dari ka jirta halkaasi.
Warar Keydmedia Online
Milatariga Gobolka Bay oo ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Maamulka Gobolkaas

Dhawaan ayaa maamulka gobalka Bay waxa uu sheegay in Milatarigu ay ka danbeeyaan falal Amaanka lidi ku ah sida Dagaal beeleedyo laga abaabulay Gobalka Bay ee Koofurta Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray maamulka dawlada ee gobalka Bay  wax uuna sheegay in aysan ka suurta galin in ay amaanka lidi ku noqdaan ayna ayagu yihiin kuwa maalin iyo habeen Qaraxda  iyo qarqaryo u taagan sidii Gobalka looga saari lahaa dadka ka soo horjeeda Dawlada.

Hadalka jawaab celintaa ee ka soo yeeray Milatariga Dawlada ee k u sugan Gobalka bay  ayaa wax uu sii kala fogeenayaa Milatariga iyo Maamulka Dawlada ee Gobalkaasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Baydhabo




Warar 20 February 2021 1:45

Safaaradda Mareykanka ayaa sheegtay in dad gaaraya 20 qof ay ku dhimatay dagaalka Muqdisho, inkastoo macluumadka ay Keydmedia Online haleysa sheegaya in ku dhawaad 60 qof ay ku dhinteen.