Minxaaji Geedi 3 Bilood ka hor siduu ahaa iyo sida uu Maanta yahay

Nairobi (Keydmedia) - Minxaaj waa wiil Soomaaliyeed isaga oo jira 7 bilooed ayaa miisaankiisu noqdey 3kg, waxaana uu qarka u saarnaa in uu dhinto, hadda Minhaj waa 10 bilood jir miisaankiisuna waa 8kg.
Warar Keydmedia Online
Minxaaji Geedi 3 Bilood ka hor siduu ahaa iyo sida uu Maanta yahay

Markii Minxaaj Geedi uu yimid xerada qaxootiga ee Dhadhaab ee dalka Kenya, waxa uu ahaa mid aragiisu argagax lee yahay kadib macaluushii ku dhufatey qaar kamid ah gobolada koonfurta Soomaaliya.

Qoyska dhalay Minxaj ayaa sheegay in rajo soo gashey markii ay arkeen sida wiilkoodi isu baddalay, waxay sheegeen in ay dhib ku ahayd in ouu ooyo codkuna ka soo baxo bilo ka hor, hadda Minhaj waa qoslaya waana ciyaarayaa ayey yiraahdeen.

Sirat Amin oo ka tirsan hay’adda IRC ayaa sheegay in Minxaaj uu ahaa wiil nasiib badan, kadib amrkii uu ka badbaadey wixii aan markhaantiga u ahayn ee macaluusha iyo darxumada ahayd, maanatana waa qof kale, markii la keeney Xerada Dhadhaab waxaa markiiba loola cararay Isbitaalka halkaas oo daryeel lagu siiyey.

Keydmedia.net