Mooshin loo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka

Xildhibaanada ayaa wada saxiixay Mooshinkan oo ay ku dalbadeen in ajandiyaasha kulanka lagu soo daro Kiiska Kufsiga iyo dilka ee Muqdisho loogu geystay Jimcihii lasoo dhaafay Xamdi Maxamed Faarax.

Warar Keydmedia Online
Mooshin loo gudbiyay gudoonka Baarlamaanka

MUQDISHO, Soomaaliya - Mooshin cusub ayaa maanta lagu wareejiyay gudoonka Gollaha Shacabka, kaasoo ay saxiixeen dhamaan Xildhibaanada si ajandaha kulamada loogu soo daro kufsi iyo dil arxan darro ah oo habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay degmada Waaberi loogu geystay Xamdi Maxamed Faarax, oo 19 jir ahayd.

Kulankii Maanta ayaa lagu wadey in looga doodo Mooshinka, balse gudoonka ayaa codsaday in gudi loo saaro kiiskan oo hadda gacanta ugu jiro laamaha amniga oo sheegay inay su'aallo waydiinayaan dhalinyaro loo soo qabtay kufsiga iyo dilka dhacay.

Xildhibaannada ayaa qaraar kasoo saari doono kulanka xiga, sida uu sheegay gudoonka Gollaha Shacabka, iyadoo falkan aad loo cambaareeyay maadaama uu ahaa mid ka baxsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Xamdi oo sanadkan gashay Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare ayaa laga soo tuurey dabaq lix biyaano ah kadib markii dhowr qof lagu kufsaday. Gabadhan oo waxbaarshadda uga timid gobolka Galgaduud ayaa ku noolayd degmada Deyniile.

Dibadbax looga soo hordeeday kufsiga iyo dilka Xamdi ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb-qaateen hooyooyin Soomaaliyeed oo dalbaday dowladda inay cadaaladda marsiisyo kuwii dembiga galay.

Waxaa dalka Soomaaliya mudooyinkan kusoo badanaya kiisaska la xiriira kufsiga, waxaana ka dhacay qeybo kamid ah dalka falal farxumeyn caruur yaryar oo wiilal ay ku jiraan, mana la oga dadka sameynaya sababta ay ka damacsan yihiin, diintooda iyo damiirkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.