Mooshin ka dhan ah Wasiiradii hore

Muqdisho (KON) - Waxaa Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya loo Qeybiyay Mooshin ka dhan ah Wasiiradii Xukuumadii hore.
Warar Keydmedia Online
Mooshin ka dhan ah Wasiiradii hore

Mooshinkaan ayaa mamnuucaya inay xubnihii Wasiiradii hore ee ku jiray Xukuumadii RW Saacid lagu daro Xukuumadda Cusub.

Mooshinkan ayaa Saaka la horkeenay Baarlamaanka, waxaana la sheegayaa in ay soo saxiixeen in ka badan 110 Xildhibaan.

Waxaa haatan Xarunta Golaha Shacabka ka socda Dood kulul oo looga doodaya Mooshinkaan.

Hadii Mooshinkaan la meelmariyo, waxaa ku qasban in RW Cabdiweli uu Golihiisa Wasiiradda Cusub uusan kusoo darin Wasiiradii Xukuumadii la riday.

Wixii kusoo kordha kala soco Wararka oo Faahfaahsan

Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi