Muqdisho: Gubta & X/jadiid oo laga soo Qab Qabtay Shabaab

Muqdisho (KON) - Ciidamo Ka tirsan Nabad Sugida ayaa Haulgal ay ka Sameeyay Degmooyin ka mid ah Muqdisho sida GUBTA, Gooh iyo Garoon iyo X/Jadiid ayaa waxay ku soo qab-qabteen rag iyo dumar lagu tuhunsanyahay in ay ka tirsanyahiin Kooxda Shaabab- Qaacid.
Warar Keydmedia Online
Muqdisho: Gubta & X/jadiid oo laga soo Qab Qabtay Shabaab

Ciidamadaan ayaa waxay ahayeen kuwo aad u tababaran oo u Gafuurku u dubanyahay waxaana lagu Magacaabo ALFA Grup.

Xaafadaha waxaay ku Daateen Xalay Saqdii dhexe, waxaana Howl Galka Lagu soo qabtay Dad Fara badan oo ay qaarkood iska sii daayeen in koobana ay u taxaabeen meel aan Magaceeda lo sheegin Saxaafada.

Dad Degan Xaafada X/Jadiid oo ay Keydmedia la xiriirtay ayaa noo sheegay in Dadka la kaxaaystay ay kujiraan Rag looga shakiyey in ay Yihiin Saraakiin Kooxda Shabaab oo lala Xiriiriyey in ay ka Dambeeyeen Qaraxyaadii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho