Moqadisho; Qiimo Dhimis lagu sameeyey Gaadiidka ka haulgala

Moqadisho (KON) - Markii Maalinimadii Shalay aheyd la qadey Isbaarada Ex-kontorool Afgooye oo aheyd Isbaaradii ugu weyneyd ee taalay Magaalada Moqdisho ayaa Qaadista Isbaaradaasi waxaa soo dhaweeyey Darawalada ka dhex shaqeeya inta u dhaxeesa Magaalada Moqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose .
Warar Keydmedia Online
Moqadisho; Qiimo Dhimis lagu sameeyey  Gaadiidka ka haulgala

Qaar ka mid ah Darawaladaasi oo la Hadley Idaacada Muqdisho ayaa waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen qaaditaanka Isbaarada Ex-kontorool Afgooye waxaayna sheegeen in lacago fara badan looga qaadi jirey Gaadiidka BL-ka kashaqeeya Xamar iyo Afgooye.

Darawaladaasi ayaa Warbaahinta waxaay u sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhimiyaan qiimaha lagu raaco gaadiidka BL-ka oo Qaar Gaadidleyda ka mid ahyi ay Daraadba bilaabeen Qiimo dhimis Dadweynuhu ku diirsaday.

Keydmedia.Net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.