Mowliid Macaane: Khilafka Soomaaliya Curad iyo Yabadhaal waxa u ah Shariif Xasan.

Muqdisho (Keydmedia) - Xildhibaan Mowliid Macaane oo kamid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxa uu ka hadalay xudunta khilaafka Soomaaliya, waxa uuna dusha u saaray masuuliyada khilaafka dhan hogaamiye kooxeed Shariif Xasan.
Warar Keydmedia Online
Mowliid Macaane: Khilafka Soomaaliya Curad iyo Yabadhaal waxa u ah Shariif Xasan.

“TFG Shariif Xasan ayaa burburiyay, markii dowladii TFG leesku raacay in lageeyo Jowhar waa kategay Shariif Xasn oo Muqdisho ayuu aaday, markii Beydhabo lategayna waa kategay hadana oo maxkamadihii ayuu aaday, hadana waxa uu u ordayaa in sidii TFG uu u kala diray tanna u kala daadiyo”. Mowliida macaane ayaa ku hadlay

Mowliid Macaane waxa uu hoosta ka xariiqay in hogaamiye kooxeedka casriga ah uusan aheyn nin wax dhisa, hasa yeeshee uu khilaafka ka faa’iideesto oo kali ah, si uu u fushado danahiisa gaarka ah.

Hogaamiya kooxeedkaan ayaa maalma kahor waxa uu ku goodiyay in hadii isaga aan warkiisa layeelin uu sheeganayo madaxweyne, taas oo layaabisay Soomaalida oo dhan.

 www.keydmedia.net