Mowqifka Murashaxiinta Madaxtinimada DF ku aaddan doorashada 2021

Waxaa lasoo saaray goor dhaw moqifka musharaxiinta madaxtinimad Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan doorashada la filayo in ay dhacdo Febaraayo 2021.

Warar Keydmedia Online
Mowqifka Murashaxiinta Madaxtinimada DF ku aaddan doorashada 2021

MUQDISHO Soomaaliya – Waxaa mowqifkooda caddeeya musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya sanadka 2021 ee lagu wado in ay ka qabsoonto Soomaaliya oo dhan.

Musharraxiintan oo tiradooda lagu sheegay warka qoraalka ah ee ay sida wadajirka usoo saareen ayaa waxay gaarayaan 12 musharax kuwaasoo sida la sheegay ugu cad-cad musharaxnimada dalka, waxaana ay ka digeen oo ay talo ka soo saareen laba qodob oo aad u muhiim u ah taasoo ku aaddan guddigii doorashada ee dhawaan lasoo magacaabay.

Waxaa lagu sheegay labada qodob in ay diidan yihiin gabi ahaanba musharaxiinta, waxayna uga digeen ragga ugu sarreeya xafiisyada kala ah kan Madaxweynaha, Ra’iisulwasaaraha iyo kan Hay’adda Nabad sugiddi iyo sirdoonka Qaranka oo ay ku sheegeen in laga soo xulay dhammaan xubnihii guddiga doorashooyinka iyo weliba xallinta khilaafaadka.

Waxay kaloo qoraalkooda ku sheegeen in ay diidan yihiin magacaabidda xukuumadda Soomaaliya ay soo magacowday guddiga doorashooyinka ku matalaya gobollada waqooyi oo ay ku sheegeen in xukuumaddu aysan xaq u lahayn in ay iyadu magacowdo, waxayna ka digeen cawaaqib xumada ka dhalan karta awood isku koobidda iyagoo raadinaya in ay mar kale soo laabtaan.

Xubnahan musharaxaxiinta ee maanta markoodii ugu horreeysay soo saaray qoraal ay ku mideysan yihiin waxay tilmaamayaan walaaca iyo welwelka ay ka qabaan doorashada soo socota, waxay kaloo caddeeyeen in xulidda ergada loo qorsheeyay in la musuq maasuqo taasoo ay tilmaameen in ay suura gal tahay in mar kale bur bur ku yimaado dowlad nimada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalkan oo ka kooban saddex bog, si wada jir ahna ay u soo saareen musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ee sanadka 2021.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.