Sidee ku billowday dagaalka Muqdisho?
Ninka Soomaalia u taliya oo ka taliya Mr. Augustine Mhiga ayaa sheegay in ergada ka soo qayb gashay shirkusheega Muqdisho ka socda in ay ku dhaqmaan oo ay hergaliyaan dhammaan qodobada ka soo baxaya shirka. si caalamku uu u xoojiyo taageerada la siinayo dowladda Labada Shariif.
Dr. Mhiga ayaa tilmaamay in Qaramada Midoobay ay shirkaan ahmiyad weyn siineyso sidaasi darteed shirkaan waxaa ku tashanaya dhammaan Soomaaliya oo hada garatay danahooda.
Mhiga ayaa hadalkaan ka jeediyay furitaankii shirka wada tashiga ee shalay Muqdisho ka furmay, isagoo carabaabay in uu ku kalsoon yahay in laga gaari doono guul islamarkaana ay shacabka Soomaaliyeed ay ka bixi doonaan mushkilada muddada labaatanka sano ay ku jirtay.
Keydmedia.net
Add comment
Comments