Mucaaradka Somaliland oo la wareegay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa la wareegay Shir-guddoonka golaha wakiilada maamulka Somaliland

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka Somaliland oo la wareegay Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

HARGEYSA, Soomaaliya - Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa ku heshiiyay in ay sameystaan Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland, iyagoo haysta aqlabiyadda kuraasta ayey ka saareen xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Shir maalmihii lasoo dhaafay u socday madaxda Xisbiyada Isbahaysiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ucid ayaa ugu dambeyn soo gabagaboobay iyadoo si rasmi ah ay u shaaciyeen xildhibaannada ay ku heshiiyeen in ay noqdaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Shir-guddoonka Golaha wakiilada sidan ayey dhiseen.

  1. Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo laga soo doortay gobolka SOOL kana soo baxay Xisbiga WADDANI.
  2. Gud. Xigeenka koowaad Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo laga soo doortay gobolka (SANAAG) Xisbiga UCID.
  3. Gud. xigeenka Labaad Xildhibaan Cali Caamud Jibriil oo laga soo doortay gobolka (AWDAL)-UCID

Doorashadii dhawaan la galay ee ka dhacday degaannada Somaliland ayaa aad loo ammaanay, iyadoo dadka shacabka ah ay codadkooda dhiibteen, si ay usoo xushaan golayaasha deegaanka iyo wakiilada Baarlamanka, waxaana muuqatay in rabitaanka shacabka uu xoog yeeshay, mar haddii xisbigii talada hayay ee Kulmiye lagaga adkaaday cod bixinta.

Sidaas ayeyna mucaaradku kula wareegeen maamulidda golaha wakiilada oo ay ku leeyihiin aqlabiyadda golahaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.